Caawimaada lagu helo maxkamadda

Help at court - Somali (Soomaali)

Waxaa jira siyaabo fara badan oo lagu helo caawimaada maxkamadda. Gargaarka Sharciga NSW waxay qareenada shaqada ku jira u soo dirtaa dhammaan maxkamadaha deegaanka iyo maxkamadaha iyo madalada garsoorka kale ee badan ee ku xeeran NSW. Qareenada shaqada ku jira waxay caawiyaan dadka kiis ka haysta maxkamada maalintaas oo aan haysan qareenkooda u gaarka ah.

Qareenada shaqada ku jira waxay u shaqeeyaan Gargaarka Sharciga NSW ama waa qareeno gaar ah oo ay lacag siiso Gargaarka Sharciga NSW si ay kuu caawiyaan. Waxaad ka eegi kartaa si aad u ogaato halka laga heli karo Caawimaadeena maxkamadaha NSW iyo bogga mareegta maxkamadaha.

Way fiican tahay in aad hesho caawimaad sharciyeed ka hor inta aadan maxkamada aadin. Ka wac kooxdeena ku sugan LawAccess NSW lambarka 1300 888 529 ama guji batoonka nala sheekayso si aad kooxda ugala hadasho barta webchat-ka.

Qareenada shaqada ku jira

Caawimaada maxkamadaha maxalliga ah ee Bankstown, Blacktown, Penrith, Mount Druitt iyo Sutherland

Ma ku haysaa kiis dambiyeed xarunta:

  • Maxkamada Degaanka Bankstown
  • Maxkamada Degaanka Blacktown
  • Maxkamada Degaanka Mt Druitt
  • Maxkamada Degaanka Penrith, ama
  • Maxkamada Degaanka Sutherland?

Waxaa jira hab sahlan oo looga codsan karo caawimaad sharciyeed qareenka shaqada ku jira – kaliya buuxi foomkeena onlaynka. Foomku waa degdeg, wuuna fudud yahay in la isticmaalo, waxaana la soo gudbin karaa wakhti kasta. Markaad gudbiso, xubin ka tirsan shaqaalaha Gargaarka Sharciga NSW ayaa dib kuu soo wici doona.

Haddii aadan aqoonin lambarkaaga H, geli H0000 marka lagu weydiiyo. Foomka waxa loo isticmaali karaa oo kaliya maxkamadaha kor ku xusan.

Qof kastaa wuu la xiriiri karaa qareenka shaqada ku jira si uu caawimaad xaddidan uga helo maalinta kiiskoodu saaran yahay maxkamadda.

Haddii kiiskaagu aad u adag yahay, qareenka shaqada ku jira ayaa laga yaabaa inuu kaa caawiyo inaad codsato hakin. Tani waxay dib u hakin doontaa kiiskaaga ilaa taariikh dambe si aad u hesho la-talin sharciyeed ama wakiil. Waxaad wax badan ka heli kartaa boggeena mareegta ee Tala sharciyeedka.

Waxa jira xadad ku aadan waxa qareenka shaqada ku jira uu kuu qaban karo. Qareenka shaqada ku jira waxaa laga yaabaa inuu awoodo inuu:

  • ku siiyo talo ku saabsan kiiskaaga
  • kuu sharaxo waxa maxkamadda ka dhici kara
  • kaa caawiyo inaad codsato hakin si aad kiiskaaga dib dhigto taariikh dambe si aad u hesho wakhti aad ku hesho talo sharciyeed
  • kaala hadlo maxkamadda/garsoorka ama xisbiyada kale isagoo ku hadlaya magacaaga
  • kaa caawiyo dukumeentigaaga maxkamadda ama codsiyada maxkamadda degdega ah, ama
  • kaaga hadlo maxkamada dhexdeeda.

Arrimaha la xiriira sharciga qoyska, qareenada shaqada ku jira ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kaa caawiyaan dhibaatooyinka sharciga qoyska ee degdega ah – sida haddii saaxibtaadii/kaagii hore ay ku soo celin waydo ilmahaaga ama kugu hanjabayso inay gaynayso dibadda wadanka.

Arrimaha la xiriira dembiga kuguma matali karaan maxkamadda haddii aad qirato in aadan dambiile ahayn oo arrintaadu ku qoran tahay dhageysiga maalintaas.

Dacwad dhageysigu waa marka ay markhaatiyadu yimaadaan maxkamadda si ay uga hadlaan wixii dhacay iyo xaakimka ama garsooraha waxa uu tixgaliyaa dooda ay labada qareen soo jeediyeen.

Haddii aad u baahan tahay caawimaad ama aad doonayso qof kaaga hadlo dacwad dhageysiga, waa inaad la hadashaa qareen ka socda Gargaarka Sharciga NSW ama qareen si fiican ugu shaqeeya gargaarka sharciga ka hor taariikhdaada dacwad dhageysiga. Waxaad wax badan oo tan ku saabsan ka heli kartaa boggeena mareegta ee Tala sharciyeedka.

Waxaan qareeno heegan ah ku leenahay dhammaan maxkamadaha deegaanka ee ku yaalo NSW, dhammaan goobaha maxkamadda sharciga qoyska marka ay maxkamaddu halkaas fadhido iyo maxkamado iyo garsooro kale oo badan oo ku teedsan NSW oo dhan.

Waxaad ka eegi kartaa haddii caawimaad laga heli karo goobtaada Boggeena mareegta ee caawimaada maxkamadaha NSW iyo garsoorada.

La kulmitaanka qareenka heeganka ah iyo helitaanka caawimaad maalinta waa lacag la'aan.

Haddii aad sii wado helitaanka caawimaad waxaad u baahan doontaa inaad u qalanto gargaarka sharciga oo waa inaad bixisaa tabarucaad ku aadan kharashka kiiskaaga.

Caddadka aad bixinayso waxay ku xiran tahay inta aad kasbato iyo waxa aad leedahay.

Arrimaha la xiriira sharciga dembiilaha uma baahnid inaad u-qalantid gargaarka sharciga haddii qareenka shaqada ku jira uu kaliya ku siinayo talo, ama haddii ay tahay markaagii ugu horreysay ee aad ka soo muuqaato oo aadna xabsi ku jirto. Haddii qareenka shaqada ku jira uu kugu matalayo maxkamadda waxaad guud ahaan u baahan doontaa inaad u qalanto gargaarka sharciga.

Arrimaha la xiriira sharciga qoyska uma baahnid inaad u-qalantid gargaarka sharciyeed si aad caawimaad uga hesho qareenka heeganka ah ama adeegyada taageerada bulshada ee maxkamadda.

 

Erayada sharciga ah mararka qaarkood way adag tahay in la fahmo. Haddii Ingiriisku aanu ahayn luqadaada koowaad ama aad doorbidayso inaad Auslan kula xiriirto, waxa laga yaabaa inaad doonayso inaad hesho turjubaan kugu caawiyo maxkamada.

Xaalado badan maxkamaddu waxay bixinaysaa kharashka turjubaanka, waana inaad iyaga la xiriirto si aad mid ugu habaysato sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.

Haddii maxkamaddu ay go'aansato in turjubaan loo baahan yahay, waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in arrinta dib loogu hakiyo taariikha dambe.

Haddii aad u baahan tahay turjubaan ama caawimaad kale oo isgaarsiineed si aad noola soo xiriirto, fadlan eeg ikhtiyaarada ku qoran boggeena mareegta oo Nala soo xiriir.

Markaad maxkamadda imaanayso waa inaad:

  • soo ururisaa oo aad keentaa dhamaan waraaqaha shaqada ee aad ka hayso arrintaada – arrimaha la xiriira dembiyada tani waxaa ka mid noqon kara xaashida xaqiiqda ee booliiska iyo tixraacyada jilayaasha, arrimaha la xiriira sharciga qoyska tan waxaa ka mid noqon kara nuqulada dalabyo kasta iyo dukumentiyada kale ee maxkamadda, arrimaha la xiriira madaniga tan waxaa ka mid noqon kara nuqulada warqad ama ogeysiisyada ganaax kasta ee khuseeya arrintaada sharciyeed
  • soo xaadirtaa maxkamadda ama garsoorka saacad ka hor arrintaada – waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sugto si aad u aragto qareenka heeganka ah
  • hubisaa in maalinta oo dhan ay mashquul la'aan tahay – maxkamadaha qaarkood waxay hal mar soo wada taxayaan kiisaska oo dhan marka waxaa laga yaabaa inaad sugto dhawr saacadood ka hor inta aysan maxkamaddu dhageysan kiiskaaga, waa inaad tan ka hubiso maxkamadda.
  • u sheegtaa maxkamadda haddii aad u baahan tahay turjubaan ama kaalmo kale, oo aad
  • keentaa saaxiib ama xubin qoyskaaga ka tirsan si ay kuu taageeraan haddii aad rabto.

Haddii aad qabto walaacyo ku saabsan badqabkaaga maxkamadda waa inaad la xiriirtaa ka hor taariikhdaada maxkamadda si aad ugala hadasho walaacyadaada, kala hadasho ammaanka marka aad soo gasho dhismaha maxkamadda ama isticmaal faahfaahinada ku qoran bogga mareegta Nala soo xiriir si aad noola hadasho ka hor inta aadan maxkamada aadin.

Qareenka shaqada ku jira ayaa laga yaabaa inuu awoodi waayo inuu soo gabagabeeyo kiiskaaga maalinta aad maxkamada ka soo muuqato. Haddii kiiskaagu aad u adag yahay, qareenka shaqada ku jira ayaa awoodi kara inuu kaa caawiyo inaad codsato dib u hakinta kiiska (arrintaada u dib dhigo taariikha dambe) si aad markaa fursad ugu hesho la-talin sharciyeed ama wakiil.

Haddii aad u baahan tahay caawimaad sharci oo dheeraad ah, qareenada shaqada ku jira ee ka socda Gargaarka Shaqada NSW (Legal Aid NSW) ayaa laga yaabaa inay sii wadi karaan inay kaa kaalmeeyaan ama kaa caawiyaan inaad codsato caawimaad sharci oo ku aadan qareen kiiskaaga maamulo. Waxaad wax badan ka akhrisan kartaa boggeena mareegta ee Codso gargaarka sharciga. Waxaa sidoo kale awoodi karnaa in aanu kuu gudbino adeegyo kale oo ku caawin kara.

Dadka Asaliga ah iyo Torres Strait Islander waxay caawimaad ka heli karaan maxkamada qareenada heeganka ah ee ka socda Gargaarka Sharciga NSW ama qareenada ka socda Adeegga Sharciga Asaliga (NSW/ACT).

Haddii aad ka yar tahay 18 oo aad maxkamadda caawimaad ugu baahan tahay, ka wac Khadka Tooska ah ee Dhallinyarada ee 1800 10 18 10.

Khadka tooska wuxuu hawlgalaa 9ka subaxnimo ilaa saqda dhexe maalmaha shaqada, iyadoo leh adeeg 24 saac ah laga bilaabo Jimcaha 9 subaxnimo ilaa saqda dhexe ee habeenka Axadda iyo sidoo kale maalmaha fasaxyada dadwaynaha.

Adeegyada U-doodista ee Maxkamadda Rabshadaha Guriga ee Haweenka waxay caawiyaan haweenka iyo carruurta la kulmaan rabshadaha qoyska ee ku sugan maxkamado badan oo maxalli ah oo ku xeeran NSW.

Shaqaalaha taageerada ee loogu talagalay haweenka iyo ragga labadaba ee ka socda Adeegyada Taageerada iyo U-doodista Qoyska ayaa la heli karaa si ay u caawiyaan qoysaska ay saameeyeen rabshadaha qoyska ee maxkamadaha sharciga qoyska.

Shaqaalaha Dhallinyarada ee ka socda Qorshaha Kaalmada Maxkamada Carruurta ayaa caawiya dhallinyarada da'yarta ee ka soo muuqanaysa Maxkamadda Carruurta.